Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo war ka soo saartay Arday lagu la’ yahay dhul gariirkii dhacay dalka Turkiye

Safaaradda Soomaaliya ee ku taalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in nolol iyo geeri lagu la’ yahay saddex kamid ah Muwadiniinta Soomaaliyeed ee waxbarashada u joogay goobaha dhul-gariirka ka dhacay ee Koofurta iyo Bariga dalka Turkiga.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda ayaa waxaa lagu yiri “Maalintii shanaad ayay Diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Ankara ku suganyihiin goobaha Dhulgariirku ka dhacay ee Koonfurta iyo Bariga dalka Türkiye, iyaga oo ku raad jooga noolol iyo geeri saddexda arday ee kala ah: Ifraax Yusuf Cabdi, Abdulqadir Ali Mohamud Matan iyo Liiban Osman Deria”

“Labada wiil, gurigii loo malaynayey in ay ku jiraan, waa la dhameeyey badhistiisii ilaa laga gaadhay dhulka, lagamana helin.  Ifraax Yusuf iyo hablo kale oo reer Djibouti ah guriga lagu ogaa ama lagu tuhunsanyahay in ay ku jiraan, waa gubtay”  ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka safaaradda.

Dhinaca kale , Safaaradda ayaa ku guulleysatay in ay soo daad gureyso Arday iyo muwadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa magaalooyinka uu ka dhacay dhulgariirka, kuwaasi oo tiradoodu guud gaareyso 112 ruux.