Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo hambalyeysay Sanad guurad Aas-aaskii wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA

Safaaradda Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed u dirtay Maamulka iyo howl-wadeennada Wakaaladda.Qoraal ay safaaradu soo dhigtay barteeda twitter-ka ayay safaaraddu ku sheegtay inay sii wadi doonto fududaynta isdhaafsiga warbaahinta si ay u helaan adeeg wanaagsan oo u dhexeeya labada shacab ee saaxiibada ah

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee  SONNA oo ku soo shaqeeysay marxalado kala duwan ayaa maanta u dabbaaldageyso sanadguurada 58-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaskeedi.