Gaadiidka loo yaqaano bajaajta ayaa dhowr sanadood ka hor ku soo aad ugu soo batay dariiqyada
Magaalooyinka waaweyn ee Somaaliya wuxuuna kaalin ka galay gaadiidka fududeeya isu socodka dadka . Bajaajta oo ah gaadiid fudud kuna wanaagsan waddooyinka ciriiriga ah wuxuu noqday mid meel walba iyo xilli walba laga heli karo gees kasta oo qofku k a joogo caasimadda Muqdisho mase aha gaadiid safar gali kara siiba gobolada maadaama loogu talagalay inlagu gaaro meelo aan sidaa u fogeyn.
Muqdisho maxay gaadiid ahaan ku sugneyd ka hor mooto bajaajta ama saddex lugooleyda.
Axmed Maxamed Cabdi- waa ganacsade ku nool MuQqdisho wuxuu qabaa in magaalada gaadiid ahaan ay heysteen sida uu leeyahay tagaasi iyo gaadiidka caasiyada loo yaqaano oo uu yiri xilligaa waxay aheeyeen kuwo sidey doonaan dadka u isticmaala lacagta ay doonaana ku dallca.
“ Tagsi wuxuu rabo ayuu sheegan jiray ….yaa raaci karay..qaaali..hadda booskii waa ka baxay….caasi laftigiisa..cariirigiisii iyo daahidiisii waa laga reystay….”
Inkastoo bajaajta ay wax badan ka bedeleen culeys badan oo jiray hadana iyaga laf ahaantooda lama dhihi karo dhibaato ma wadin sida ya ka hadleysi Cibaado Geeddi oo ku nool Muqdisho oo bajaajta u aragta fidno hor leh …iyadoo tilmaamaysa in orodkooda habeenkii saqda dhexe ay ka buuxaan fadeexado iyo dumar u daabulid goobo aan fiicneyn sida uu sheegeyso.
“ Bajaaj habeenkuu oo dhan waa orodaa ..orodkaas wax baa ku jira ..gabdho ayey sii wadaan soo wadaan ..sacab maxaa loo tumaa habeenkii haddaan wax ku jirin” ayey tiri.
Bajaajta oo loo yaqaano magacyo badan sida saddex lugooley, tik, dhanka Hargeysa iyo booramaba looga bixiyey SAQAJAAMADDA …dhanka kalena wadayaasheeda qaar oo u badan kuwo aad u da’yar ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin kuwo fudfudud ficilada qaarna u sameeya si aan ka fiirsi laheyn iyagoo mararka qaar rag hubeysani u isticmaalaan in ay dadka uga dhacaan mobeelada sida uu sheeegayo C/laahi Maxamed Xuseen oo reer Jungal ah –
“ Wax walba waa dhex taagan yihiin …fudeyd ay wax ku dhigeen …ma fiirsdaan ilaa heer waxaa la gaaray in iyaga loo adeegsado dhaca habeenkii ee shacabka” ayuu yiri C/laahi.
Iyadoo ay jiraan arrimahaa ayaa hadana bajaajtu waxay noqotay shaqo abuur taas oo manta ay ka xoogsadaan kumanaan dhallinyaro oo ku nool Muqdisho iyo magaalooyin kale oo waawweyn oo dalka ah waxayna noqotay meel ay kasab ka helaan qoysas Soomaaliyeed.
Maxamed C/qani waa 23 jir wuxuu haatan bajaaj wade ka yahay 3 sano wuxuuna biilka ka soo saartaa bajaajta ka guursaday . wuxuuna kaga baxay iskaabulonimadii iyo shaqo la’aantii , haaatanna waa nin noloshiisa , shaqadiisa iyo reerkiisa cusub ku faraxsan.
. “Aniga runtii bajaajteyda waa ku liibaanay ….hadda xaas baan leeyahay oo aan ka guursaday bajaajta ..biilkana waa ka soo saartaa….Alxamdullilaah”
Waxaa jira in dacd badan ay ku dhibsadaan bajaajta shilalka tirada badan sida ay yiraahdeen waxayna dadku ku tilmaameen shantii shil ee wadddooyinka ka dhacda saddex ka mid ah bajaaj tahay sida uu sheegay Kabtan Xuseen Axmed Maxamed oo ka tirsan ciidanka nabadgelyada wadddoyinka balse haatan howlgab ah .
“Bajaaj waa shil socda ….waxaana ugu wacan canug walba ayaa inta loo soo gaday loo soo dhiibay..qaarkood sida jidadka la isugu dhaafo ma yaqaaanaan”ayuuna yiri.
Si kasta ha ahaatee..shacabku waxay qirayaan in gaadiidka noocan ah ee bajaaja uu yahay gaadiid ku habboon dal sida Soomaaliya oo kale sabool ah oo celceliska dhaqaalaha maalintii qofka soo gala aanu dhammeyn labo Doollar.
WQ: Maxamed Hassan