Sacuudiga oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa Mudane Axmed bin Maxamed Al-Muwallad u soo magacowday safiirkeeda cusub ee u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan, Binu Cabdulcasiis Aala-Sacuud ayaa aaladda fogaan aragga ku dhaariyay Safiirka cusub, waxaana madasha dhaarinta goobjoog ka ahaa dhaxal sugaha Amiir Muxamed Bin Salman,Wasiirka Arrimaha Dibadda Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah,Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Walid bin Abdul Karim Al-Khuraji iyo Khaled bin Faisal Al-Sahli, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Hab-maamuuska.