SAAMEYTA UU ABAARAHA KU YEESHAY BULSHADA SOOMALIYEED.

Sanadihii lasoo dhaafay Soomaliya waxaa Ka jira abaaro baahsan taasi oo sababtay in kumanaan kun oo dad soomali ah ay Ku barakacaan abaraha ba`an ee Ka jiro Soomaliya sidoo kalena abaaraha ayaa saameen xoogan Ku yeelatay xoolaha nool oo ay ugu horgeeyaan Lo`da oo ah mid aan u adkeysan Karin abaarta sababtoo ah Lo`da ayaa intabadan Ku nool Cowska dhulka kasoo baxo iyo biyaha labaduba hadda lamawada Heli Karo sababtoo cowskii dhulka waa Ka dhamaaday biyihiina waraha waa Ka guray wabaiyadiina waa gureyn oo biyaha Ku jira waa biyo cagaaran oo looga cabsi qabo in ay cudur Ka dilaaco.

Sidoo kale abaarta ayaa sameysay Beerihii ay abuuranaayeen bulshada Soomaliyeed waxaana ay Kala yihiin labo beerood oo Kala ah .

1. Beer Ku baxda roobka , beertaan waa beero ay bulshada Soomaliyeed ay intabadan ay abuurtaan marka lagaaro xiliyada roobaadka balse nasiib wanaag roobabka oo soo daahay aawgeed ayey bulshada ay wax u abuuran waayeen taasi oo sababtay in dhulka uu noqdo mid abaar ah oo kuleyl daran kasoo baxaayo sidoo kalena wato dabeylo kuleyl wata taasi oo sabata in jirka bini aadamka ay waxyeeleyn u geysata.

2 . Beeraha Ku baxa biyaha wabiga , beerahaan ayaa intabadan Ku tiirsan biyaha wabiyada mara dalka soo maaliya oo lakala yiraahdo wabiga jubba, iyo wabiga shabeelle labadaas wabiya ayaa intabadan ay beeraha Ku tiirsanyihiin taasi oo bulshada Soomaliyeed u Sahli jirtay dalag raqiis ah balse nasiib wanaag markii ay daba dheeraadeen abaaraha baahsan ee dalka Ka jira ayaa waxaa dhacday in ay wabiyadii biyaha ay guraan , qudaartii ay qaaliyoobaan oo ay awoodi weysay bulshada danta yar in ay wax iibsadaan.

Bulshada Soomaliyeed waxa ay u baahan yihiin labo gargaar oo Kala ah .

1. Gargaar Alle, gargaarkan waxa uu u baahan yahay in Alle la baryo oo loo tukado Laba rakac oo salaadood ah kadibna sinayad ah in Alle loo baryo si uu abaaraha noogu dulqaado Alle kaligiisa ayaa Abaarta iyo kurbada naheysata Naga qaadi Karo.

2. In bulshada Soomaliyeed ay iscaawiyaan sababtoo bulshada muslimiinta waxaa looga baahan yahay meelkasto ay joogaan cidda wax haysta walaalohooda ay saameysay abaarta in ay caawiyaan wixii ay u awoodaan si aaan oga bad baadno masiibo Qatar ah .

Alle ayaa inoo sheegay Umaddeeda hayday isku gargaaraan Anna waan u gar gaari.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan