RW Xamsa oo u hambalyeeyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Ra’iisal waaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo qadka Taleefanka kula hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee uu ka gaaray doorashada madaxweynimo ee ka qabsoontay dalka aan walaal nahay ee Jabuuti.

Ra’iisal wasaaraha ayaa madaxweyne Ismaaciil Cunar Geelle oo markale loo doortay madaxweynenimada Jabuuti ugu duceeyay inuu Eebe weyne ku asturo mas’uuliyadda muddo xilleed loo doortay, isaga oo dhan kale shacabka Jabuuti ku bogaadiyay habka nabadda iyo degganaashaha leh ee ay u doorteen madaxdooda.

Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Bare, ayaa ku mahadceliyay madaxweyne Ismaaciil iyo Dowladdiisa doorka muuqda ee ay ka qaateen xoojinta amniga gobolka iyo taageerada ay oa garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.