RW Xamsa oo magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha XFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Wasiir-Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo loo magacaabay Mudane Cismaan Maxamed Cabdi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasiir Ku-xigeenka kula dardaarmay in uu si hufan u guto waajibaadka shaqo ee horyaalla, isaga oo Alle uga baryay in uu ku asturo mas’uuliyadda uu u qaadday ummadda Soomaaliyeed.