Belem:- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad ka jeediyay kulan lagu xusayay 10 sano guurada Heshiiska Paris, kaas oo diiradda lagu saaray la dagaallanka isbeddelka cimilada (NDCs) iyo maalgelinta la xiriirta.
Kulanka oo qeyb ka ahaa Shirka Madaxda Adduunka ee COP30, kaas oo ka socda magaalada Belem ee dalka Brazil, ayaa waxaa uu halkaas ka sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Soomaaliya ay hormuud u noqotay dadaallada isbeddelka cimilada, iyada oo sanadkan gudbisay NDC 3.0 oo ah mid heer caalami ah oo la jaanqaadaya yoolalka heshiiska Paris.Mudane Saalax, ayaa xusay sida ay uga go’an tahay hirgelinta Qorshaha Maaligalinta NDC 2025–2035, si loo mideeyo cududda maalgashiga dowladda, midka gaarka loo leeyahay iyo deeqaha caalamiga ah, isaga oo ugu baaqay saaxiibbada caalamka in ay ka taageeraan Soomaaliya wax ka qabashada isbeddelka cimilada adduunka.





