Xilligii gu,ga ayaa ka hooray si xoog leh wuxuuna dhowr sacadood waxaana lagu magacaabaa xilligaan roobka da,aya ceelka geeye macnaheeduna waa ceelka fogeeye mar hadduu da,ana uma baahnid ceel
waayo xooluhu wey ka maarmaan biyo webi iyo biyo ceel intaba sidaas ayaa loogu bixiyey ceelka geeye waxayna sida badan noqotaa markii uu da,o roobkaas ceelka geeyeyuhu waa barwaaqo ayaa laga fishaa sannadkaas.
haddaba haddii ceelka geeyahu ka da’ay gobolka banaadir iyo agagaarkiisa iyo dhammaan gobollada dalka waxaa ku noolaanaya beerahii kicinkii hore jiray oo u baahnaa roob dambeed kuwaas oo dalagoodu si aad u baxayo markii helaan roobabka ceelka geeyaha oo dhulka si aad ah u nooleeya xooluhuna ay naaxaan dadkuna uu farxad iyo reyn reyn ay ku soo dhoweeyaan.
galab galbaha ka mid ah ayaa cirka guulatooyin dacalka isi saareen waxaana raxmad aad loogu farxay u da’ay dadka ku nool agagaarka gobolka banaadir iyo dacalladiisa in kastoo ay jiraan dad masaakiin ah oo aan hooy fiican heysan haddana waa noloshii noolaha haddii la waayo raxmadda ilaahey nolol ma jirto waayo waxaa ku noolaado noolaha ku nool badda iyo berriga.
Haddaba, naf kasta oo ka mid ah waxay ilaahey celineysaa mahad aan
la soo koobi karin waxaa baxaya beeraha waxaa miro iyo ubax yeelanaya geedaha waxaa cuseyb noqonaya dhulka iyo geedaha waxaa muraalkodu hagaagayaa dadka waxaa kale oo beec yeelanaya xoolaha iyo dhulka iyo guryaha waxaa nuuraya dalka oo dhan waxaa rejo yeelanaya qof kasta oo ay heysay reja xumo waayo roobla,aantu waxay leedahay murug iyo raja xumo.
roobab lagu diirsaday ayaa ka da,ay gobollada banaadir iyo shabeellada dhexe shabeellada hoose in kastoo gufaacada dhibicda xannuunkeedu ay u daran tahay qoysaska aan heysan hooy iyo gabbaad iyo meel ay ka galaan qaboowga roobabka haddaba, waa labo is garab taal farxadda iyo murugtu waana amar ilahey cidna wax kama qaban karto
‘haddaba nimcadana ku shugri dhibaatadana ku Samir,
WQ: Abwaan Gabayre