Roobab ka da’ay Baydhabo oo sababay Khasaare

Roobab mahiigaan ah oo ka da’ayey maalmihii la soo dhaafay Gobolada Baay iyo Bakool ayaa sababay khasaare xooggan sida wararka ay heshay Wakaaladda Wararka SONNA waxa shalay ilaa saaka Subaxnimadii ka da’ay magaalada Baydhabo Roob xooggan kaas oo sababay in Xaafaddaha Magaalada soo galaan Biyo xooggan kuwaas oo kala xiray badi xaafaddaha Magaalada,taas oo sababtay Barakac Xooggan iyo in Xaafadaha qaar dadkii ku go’doomaan oo ka bixi kari waayeen.

Sidoo kale Roobabkan ayaa sidoo kale Sababay in Barakac xooggan oo ka dhacay Degmada Xuddur ka dib markii Biyo Xooggan soo galeen Xafaddaha Degmada.

Sidoo kale Roobabkan ayaa sababay in ay go’do Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo sida uu xaqiijiyey Senator Aadam Cabdinaasir oo ka mid ah Senatorada Aqalka Sare ee laga soo doorto Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed.