Roob mahiigaan oo ka da’ay dalka Bakistan

Roob mahiigaan ah oo ka da’ay dalka Pakistan ayaa sababay daad sababay khasaare xooggan magaalooyin badan oo Pakistan ah, waxaana ku dhintay 34 qof  24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay wariyeen mas’uuliyiinta dowladda iyo warbaahinta maxalliga ah.

Wabiyadda,togaga iyo biyo-xireenno fatahay ayaa sababay khasaare baxaad weyn, waxayna dumiyeen boqollaal guri, dhismayaal, tobannaan buundooyin ah, iyo waddooyin ku yaalla koonfur-galbeed, waqooyi-galbeed iyo koonfurta Pakistan, kuwaasoo kala xiray dhowr magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Dhimashada ugu badan ayaa laga soo sheegay koonfurta Sindh, halkaas oo 16 qof ay ku naf waayeen oo ay ku xigto koonfur-galbeed ee Balochistan, halkaas oo 13 qof oo kale ay ku dhinteen masiibooyinka la xiriira roobka, Maamulka Maareynta Masiibooyinka Qaranka (NDMA), oo ah hay’ad ay dowladdu maamusho oo isku xira. u dhexeeya ururada gargaarka iyo samatabbixinta ee kala duwan.

Daadad ayaa hakiyay isu socodkii tareenka iyo waddooyinka ee u dhaxeeyay tobanaan degmo oo ka tirsan labada gobol, oo ay ku jirto caasimadda Balochistan, Quetta, iyo dalka intiisa kale.