Roob lagu diirsaday oo ka da’ay deegaano hoostaga gobolka Mudug

Roob xooggan ayaa sacadihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaano dhaca Koonfurta gobolka Mudug kaasoo baahi weyn u qabeen dadka iyo duunyada ku nool deegaanadaas.

Deegaanada Roobkaani ka da’ay oo uu Biyaha dhigay waxaa ka mid ah Wargalo, Dawgaab, Baalal-dheere, Kalasooc iyo kuwa kale oo dhamaan hoose taga degmo xeebeedka Hobyo.