Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa caasimadda, kaddib doorashadii taariikhiga ahayd ee maanta qabsoontay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa shacabka shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay taariikhda cusub ee maanta ay qoreen, wuxuuna caddeeyay in shacabka codeeyay maanta muujiyeen samir iyo adkeysi.
” Waxaan idin leeyahay hambalyo, waxaad qorteen taariikh cusub, waxaad muujiseen samir adkeysi iyo geesinimo, waxa aad dib u soo ceshateen xuquuqdiina oo aad weydeen ama idinka maqneyd in ka badan 56-sanno, taas oo ah in aad qofka aad rabto doorato ama adiga lagu doorto, waxa aad ku ciilbaxeen codkiisa, waxaanna dalka u jiheyseen hilinka toosan ee dimuqraadiyadda iyo xoriyadda
Mudane Xamsa, ayaa dhanka kale dadweynaha ugu bishaareeyay in uu soo fool leeyahay war weyn oo farxad leh oo ku saabsan horumarka dalka.

