RIYOOYINKA HADDII AAD KA DHABEYSO WAXAAD NOQONEYSAA RUUX GUULEYSTA

Maanta waxaa marayaa interfiyuugii (qaabilaad) ugu horeeyey noloshayda, si aan oga helo shaqo heer sare ah mid kamida shirkadaha waaweyn, hadii aan ku guulaysto waxaa iskaga tegi doonaa gurigan dhibka badan waxaan ka nasan doonaa canaanta joogtada ah ee Aabahay.

Subaxdii waqti hore ayaan soo kacay waan qubaystay waxaan ku lebistay wixii ugu qurxoonaa een heli karay, barafuuna waan isku buufiyey, markaan damcay inaan albaabka ka baxo, ayaa waxaa garabka iga taabatay gacan, gadaal ayaan u jaleecey mise waa Aabahay oo dhoola cadeynaya, inkastoo ilgo’a jiradu si cad oga muuqatey wejigiisa.

Wuxuu ii dhiibay xoogaa lacag ah wuxuuna igu yiri: waxaan kaa doonayaa inaad noqoto qof dhinaca san wax ka eega (iijaabi), naftaadana ku kal soonoow, suaal kastoo lagu waydiiyo ha khalkhalin.

Waan dhegaystay taladii Aabahay anigoo qalbiga ka dhibsanaya, oo isle ilaa hada ma wuxuu ila dabo taagan yahay waano, waxaanba moodaa inuu u danleeyahay inuu I dhibo wakhtigii ugu farxda badnayd noloshayda.
Guriga ayaan dhaqso oga soo baxay waxaan ijaartey taksi waxaan aadey meeshii shirkadu ku qabanaysey inter fiyuuga (qaabilaada).

Markaan ka soo galay albaabka shirkadda waxaan layaabey!!!
Waardiye ma joogo albaabka, shaqaale wax soo dhoweeya ma laha keliya tabeelayaal ayaa ku hagaya ilaa meesha interfiyuuga laga gaaro.

Markaan albaabka ka soogalay waxaan arkey gacankii albaabka oo albaabka ka laalaada qarkana u saran inuu jabo hadii qof ku dhaco.

Waxaan soo xusuustay waanadii Aabahay ee markaan guriga ka soo baxay uu igu soo sagootiyey (noqoto qof dhinaca san wax ka eega (iijaabi)).

Isla makiiba gacankii albaabka ayaan halkiisii ku celiyey, waana hagaajiyey oon ku adkeeyey booskiisii.

Kadibna tilmaamihii tabeelayaasha ayaan raacay waxaan soo gaaray beertii (jardiinkii) shirkadda, waxaan arkey marinkii oo biyihii ku soo faafeen, waxayna u muuqatey in ninkii ka shaqaynayey uu ka mashquulay.

Waxaan soo xusuustey canaantii Aabahay uu igu canaanan jiray inaanan biyaha beerdareeyn.

Isla markiiba tuubadii ayaa ka bixiyey oo waxaan ku duwey meel qalalan, biyaha socodkoodana waan yareeyey si ayna durba u buuxsamin ilaa uu ka soo laabto jardiino yeerigii ( ninka beerta ka shaqeeya).

Kadibna waxaan horey u galay dhismihii anigoo raacaya tilmaanta tabeelaha, markaan sii fuulayey jaranjarada waxaan arkey tiro aad u badan oo nalal ah oo shidan waxaan joognaa dharaar cad, si degdeg ah ayaan u demiyey anigoo ka baqaya qayladii Aabahay uu igu qaylin jirey mar walba oo uu arko wax khaldan.

Waan socdey ilaa aan ka soo gaarey dabaqa ugu sareeya waxaan arkey dad aad u badan oo shaqadan soo doontay, waxaan isku qoray liiska codsadeyaasha kadibna waan fariistey anigoo sugaaya markayga, dadkii ayaan isha la raacey anigoo fiirinaya wejiyadooda iyo lebiskooda waxaan dib u milicsadey muuqaalkeyga iyo lebiskeyga waxaan dareemey inaan ka hooseeyo.

Qaarbaa waxay ku faanayeen shahaadooyinkooda ay ka soo qaateen jaamacado maraykanka ku yaal.
Waxaan arkey qof walba oo gala qolka qaabilaada daqiiqad ka yar ayuu oga soo baxayaa.
Waxaan is iri ragan sidan u qurxoon oo shahaadooyinka waawey wata ayaa la soo diidee ma anigaa la I qaadan.

Waxaan ku hamiyey inaan iskaga baxo tartankan guuldarada ku dhamaanaya intaa la I dhihin naga raali ahaaw kuma qaadan karno.
Waxaan soo xusuustey taladii aabahay oo ahayd (noqoto qof dhinaca san wax ka eega (iijaabi) oo isku kalsoon) waxaad moodaa in dardaarankii aabay isiiyey kalsooni qayrulcaadi ah .

waxaan go’aansadey inaan iska joogo oo aan sugu kaalintayda.
Daqiiqado kadib waxaa ii yeerey ninkii qaabilsanaa soo gudbinta codsadayaasha.
Waxaan galay qolkii qaabilaada, waxaan ku fariistay kurigii qaabilaada, waxaa iga soo horjeeda sadex qof way isoo fiiriyeen wayna dhoola cadeeyeen, midbaa wuxuu igu yiri: goorma ayaad jeceshahay inaad shaqada bilawdo?

Su’aashii ayaan la yaabey!! waxaan moodey inay igu ciyaarayaan, ama in su’aalihii qaabilaadu ka danbeeyaan su’aashan.
Waxaan soo xusuustay dardaarankii aabahay (ha khalkhali marwalbana naftaada ku kalsoonoow).

Anigoo isku kalsoon ayaan ku iri: markaa imtixaanka ka gudbo inshaa’a allaah.
Midkalaa igu yiri imtixaankii waad ku baastay arintuna waa dhamaatay.
Waxaan ku iri midkiina hal su’aal ima weydiin !!!
Kii sadexaad baa wuxuu yiri: su’aalaha oo keliya kuma qiimayn karno qofka na soo codsadey dadnimadiisa iyo xirfadiisa, sidaa daradeed waxaan go’aansanay in qiimaynteenu noqoto baratiko ama waxqabad muuqda.

Waxaan diyaarinay koox tijaabooyin ah oon ku ogaan karno codsadaha dadnimadiisa, xirfadiisa, sida uu u yahay qof dhinaca san wax ka eega (iijaabi) ama boosatif oo isku kalsoon, iyo sida uu ugu dadaalayo ilaalinta hantida shirkadda, waxaad noqotay qofka keliya ee hagaajiyey ceeb walba oon si ogaal ah u dhignay marinkii cosadayaasha, waxaan kala soconay habdhaqanka codsadayaasha kaamirooyin qarsoon.
Halkaa markey mareyso waxaa iga qarsoomey ragii ihor fadhiyey shaqadii aan soo doontay iyo wax walba waxaa ii muuqda oo keliya sawirka Aabahay!!!
Waxaan xoog u dareemay doonid xoogan oo ah inaan unoqodo guriga oo aan Aabe ka dhunkado madaxa gacmaha iyo lugaha.

Ugu danbeyn dhalinyarooy ha dhibsanina waanada iyo talada Aabihiina waxaa ka danbeeya jacayl baaxadweyn, waxaad ogaan doontaan maalin uun iyo markaa aad gaartaan booskooda.

Ilaahayoow u naxariiso hooyooyinkeena iyo Aabayaasheena sida ay inoo soo barbaariyeen anagoo yar yar.

WD: Abdinaasir Yuusuf Aadan