RAMADAAN BISHII NABADDA IYO NAXARIISTA

Ramadaan, waa bisha 9aad ee jadwalka taariikhda Islaamka, waana bisha dadka Muslimka dhamaantood soomaan ayagoo tixraacaya sida uu farayo kitaabka Quraanka ee diinta Islaamka.

Bisha Ramadaan waa wakhti dadka Islaamka ah soomaan wakhtiga maalintii isla markaana cibaadeystaan habeenkii ayagoo tukanaya salaado saa’id ah, sida taraawiixda iyo taajudka.

Sidoo kale, bisha Ramadaan inta ugu badan waxay ku dhamaataa 29 maalmood ilaa 30 maalmood, wakhtigaasi oo lagu bilaabo aragtida dayaxa isla markaana lagu dhamaystiro aragtida bisha.

Bishani waana bil dadka Islaamka aad iyo aad ugu muhima. waa bisha ay waajibka kutahay dadka islaamka ahi in ay soomaan amaba in aanay waxba cunin inta qoraxdu soo jeedo, sidookale raad gaar ah ayay bishani islaamka kuleedahay dhaqan ahaan, waana bisha uu soo dagay Qur’aanka Kariimka ahi.

Sida culimo badan isku raaceen ereyga “Ramadaan” wuxuu asal ahaan ka yimid Af Carabiga ramiḍa ama ar-ramaḍ, taasi oo macnaheegu yahay kulayl ama qalayl.

Soonku waa mid waajib ku ah dhamaan dadka Muslimka ee qaangaarka ah, marka laga reebo qofka xanuusan, kan safar ku jira, qof ka da’da ah (gaboow), dumarka uurka leh, dumarka naaska nuujinaya, dumarka dhiigga qaba.

Sida ku xusan taariikhda Islaamka, soonka bisha Ramadaan waxaa waajib  laga dhigay sanadkii labaad ee Hijrada, wakhtigaasi oo dadka Muslimiinta ahaa ka soo qaxeen magaalada Makka ayagoo u socda magaalada Medina.

Fadliga Bisha Ramadaan

Quraanka iyo Axaadiista ayaa aad uga hadlay bisha Ramadaan iyo ajarka ku jira qofka guta tirkaan soonka ah. Fadliga bisha ramadaan waxaa ka mida in la furo albaabada jannada lana xiro albaabada naarta, lana xirxiro shayaadiinta inta waaweyn, taasoo muslimka u sahlaysa inuu ka fogaada macaasida allena ugu dhawaado cibaadooyinka suuban iyo daacooyinka u dhawaynaya jannada kana fogeynay naarta.

Nabi Muxamed Sallallaahu caleyhi wasallam waxaa laga wariyay inuu yiri:

“Habeenka u horeeya Ramadaan waxaa la xirxiraa shayaadiinta iyo kuwa jinka ugu madaxa adag, albaabada naarta waa la xiraa, oo waxba lagamna furo, albaabada jannadana waa la furaa oo midna lagama xiro, mid dhawaaqa ayaa dhawaaqaya isagoo leh: “ninka khayr doonayow soo jeeso, ninka shar doonayow jooji sharta.”

Ilaahay wuxuu leeyahay kuwa naarta laga xoreeyo, arinkaasna wuxuu dhacayaa habeen walba oo ka mida habeenada Ramadaan.”

Waxaa wariyay ibnu Maajah

Sidoo kale bisha Ramadaanka waxaa la soo dajiyay Kitaabka Quraanka waana bil barakysan oo dadka Muslinka u ah waqti aad ugu talo galaan, waa bil dambi dhaaf leh ajarkeedana u ka badanyahay ajarka bilaha kale la sameeyo, waa bil la aqbalo ducooyinka.

Intaas waxaa dheer in bisha barakaysan ee Ramadaan ku jirto habeenka ugu weyn sanadka, taasi oo ah habeenkii Quraanka Kariimka la soo dajiyay, waa habeenka Laylatul Qadar oo ka khayr badan kun bilood.

Ficilka iyo Xarakaadka

Ramadaanku waa bisha deeqsinimada iyo khayr falka, iyo wanaaga, waa bisha quraan akhriska la badiyo, oo taraawiixda iyo Tahajudka lagu nooleeyo habeennadeeda, waa bisha sadaqada la badiyo sabarkana lagu barto maadaama laga soomayo waxyaabaha naftu jeceshahay oo ay ka midyihiin cunnada cabidda iyo u tagidda cidaha, sabarka ayaan ka muuqan meelaha kale sida uu uga muuqdo soonka, saas daraadeed culumadu waxay yiraahdaan soonku waa sabarka iyo dulqaadka badhkii, Abaal marinta dulqaadkana waa Jannada, ilaahay SWT qur’aankiisa ku yiri: waxaad ku tiraahdaa Adoomadayda i rumeeyayoow Rabbigiin ka dhowrsada kuwa wanaagsanaada aduunkaan waxay leeyihiin wanaag, ilaahay dhulkiisu waa balaaranyahay, in kale maahee kuwa sabra waa loo oofinayaa abaal marintooda xisaab la’aan.

 

Sidoo kale bisha ramadaan towbankeeda maalin ee hore waa raxmad, tobanka dhexena waa dambi dhaaf Tobannka ugu dambeeyana waa naarta oo la iska xoreeyo.

WD: Ibraahim Warsame