Ra’isul Wasaare Kuxigeenka XFS oo daah-furay Shir u dhaxeyo Xukuumadda Faderaalka iyo Saaxibada Caalamka

Ra’isul Wasaare Kuxigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jamac,ayaa maanta daahfuray kulanka siyaasadda loo dhanyahay ee u dhaxeeya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxibada Caalamiga  ee Soomaaliya ka taageera dhinaca Dowlad dhiska.

Shirka waxaa ka qeybgalay wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi iyo Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka mudane Xasan Macallin iyo xubno ka socda beesha Caalamka.

Shirkan oo socon doono mudda laba cisha ah ayaa lagu wadaa in looga arrimo ay ka mid yihiin geedi socodka dowlad dhiska, caqabadaha iyo hiigsiga 2024-ka iyo kuwo kale iyadoo  hadalo ay ka jeedin doonaan masuuliyiin uu kamid yahay wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi.