Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka oo maanta daahfuray Barnaamijka qaran ee Tirakoobka Dadka iyo Guryaha

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daahfuray Barnaamijka qaran ee Tirakoobka Dadka iyo Guryaha Soomaaliyeed oo ay soo aggaasintay Wasaaradda Qorsheynta ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Daahfurka Barnaamijkan ayaa ka soo qeyb galay Wasiirro iyo Xildhibaano katirsan DFS guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, wakiila ka socday beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.

Madasha daahfurka Barnaamijkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay ahmiyada ay Dowladnimada iyo Ummadda Soomaaliyeed u leedahay hirgalinta Tirakoobka Dadka iyo Guryaha.