Raβisul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane πππ±ππ¦ππ ππ±π¦ππ ππ¦π’π’π«, ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Bandhiga Geeddi-Socodka Tayeynta iyo illaalinta Sumcadda Baasaboorka Soomaaliga ah.
Agaasimaha guud ee heyβadda Socdaalka iyo jinsiyadda ee DFS Mudane Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in uu xooga saari doono Geeddi-Socodka Tayeynta iyo illaalinta Sumcadda Baasaboorka Soomaaliga ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane πππ±ππ¦ππ ππ±π¦ππ ππ¦π’π’π« ayaa hogaanka hayβadda socdaalka iyo Jinsiyada ku amaanay sida ay u tayeeyeen baasaboorka Soomaaliga, iyo dadaallada lagu horumarinaayo baasaboorka, isagoo sidoo kale xusay in baasaboorka Soomaaliga tayadiisa ay tahay masβuuliyad wadareed saaran ummada Soomaaliyeed.
Raβisul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa sheegay in Baasaboorka dalkeena uu soo maray marxalado kala duwan, hasa-ahaatee maanta uu joogo meel wanaagsan.