Ra’iisulwasaare Xamsa iyo madaxweynaha d deegaanka oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka argagixisada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa caawa waxaa casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida, Mudane Mustafa Muxumed Cumar.

Munaasabadda casho sharafta oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada, ayaa hadallo kooban oo ay ka jeediyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha waxay si gaar ah uga hadleen qaabka labada dhinac ay isaga kaashan karaan dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Khawaariijta ah.

Labada mas’uul ayaa si weyn u falanqeeyay sidii loo dardar gelin lahaa dedaallada haatan socda ee la doonayo in lagu ciribtiro kooxda argagixisada si ay nabad iyo horumar buuxda u gaaraan shacabka labada dal.