Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka halkaas oo uu kula kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaas.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa inta uu joogo Minnesota waqti la qaadan doona bulshada Soomaaliyeed ee gobolkaas ku dhaqan, isaga oo warbixin ka siin doona xaaladda guud ee dalka, horumarka laga gaaray dhinacyada kala duwan, sida amniga, dhaqaalaha, la dagaallanka Khawaarijta iyo dadaallada dowladda ee dib u dhiska, nabadeynta, iyo horumarinta adeegyada bulshada.