Raโ€™iisulwasaare ku xigeenka XFS oo furay b๐š๐ง๐๐ก๐ขgga w๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š h๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š m๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐da s๐š๐ง๐š๐๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ’-๐ค๐š

Raโ€™iisul Wasaare Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u daah-furay munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayey ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐’๐š๐ง๐š๐๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ’-๐ค๐š, taasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabaddan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay guulaha maaliyadeed ee ay dowladda Soomaaliya ka gaadhay sannadkii 2024, caqabadihii la soo maray iyo fursadaha horumarineed ee u baahan in si waxtar leh looga faaโ€™iidaysto.

Warbixintani waxay muujinaysaa dadaalka joogtada ah ee lagu tayaynayo maamulka maaliyadeed ee dalka, kobcinta dakhliga gudaha, iyo xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta dhaqaale.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad dheer jeediyay ayaa tilmaamay in Wasaaradda Maaliyaddu kali ahaan aysan u laheyn guulaha maaliyadeed ee dalka, isagoo u mahadceliyay dhammaan heyโ€™adaha wadashaqeynta la leh wasaaradda oo Baarlamaanku uu ugu horeeyo.

Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay sannadkan qaaday tallaabo taariikhi ah oo ah in markii ugu horraysay si rasmi ah loo bilaabo soo bandhigista Warbixinta Sannadlaha Maaliyadeed.

Tallaabadan ayaa ah mid muhiim u ah daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo kobcinta kalsoonida shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarka Soomaaliya.