Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Adxaa.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si gaar ah hambalyo ugu diray geesiyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka – Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca diinta, dalka iyo dadkooda, si ay u ciribtiraan Khawaarijta ee dhibaatada ku haysa dalkeenna.