Ra’iisulwasaaraha oo ku dhowaaqay golaha cusub ee Wasiirrada XFS

Ra’iisulwasaaraha XF Soomaaliya mudane, Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow ku dhowaaqay golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda uu hoggaamin doono Afarta sana ee soo socota.

Golaha ayaa ka kooban 77 mudane, 25 wasiir 25 ku xigeen, 26 Wasiirudowle iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo loo magacaabay Saalax Axmed Cali.

Ra’iisulwasaare Xamza oo furay munaasabadda magacaabista golaha wasiirrada ayaa sheegay in la tashiyo badan oo uu la sameeyay madaxweynaha dalka, gudoomiyaha labada Aqal ee Baarlamanka uu soo dhisay gole uu ugu magac daray Dan Qaran uuna rajaynayo inay xilkooda gudan doonan.

Liiska Wasiirada

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen.

2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta.
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka.

4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha.
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda.
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga.
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga.
10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka.
11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta.
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha.
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha.
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta.
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka.
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta.
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha.
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.
20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka.
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda.
22- Daa’uud Aweys Wasiirka Warfaafinta.
23 – Biixi Iimaan Cige. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.
24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha.
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha.
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda