Ra’iisul wasaarihii hore dalka oo bogaadiyay Howlgallada Ciidamada Qaranka iyo xooggaga deegaanku Khawaarijta uga xorreynayaan dalka

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Eng Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bogaadiyay Howlgallada Ciidamada Qaranka iyo xooggaga deegaanku Khawaarijta uga xorreeyeen  degmooyinka Xarardheere,Galcad iyo Ceeldheer.

“Waxaan bogaadin iyo hambalyo u dirayaa Ciidanka Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed guulaha waaweyn ee ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ay ugu danbaysay Xorraynta Xarardheere, Ceel Dheer iyo Galcad” ayuu yiri Eng Rooble.

Waxaan sidoo kale bogaadinayaa Dowladda Federaalka ah oo muujisay dadaal dheeri ah iyo Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle” ayuu sii raaciyay Hadalkiisa.

“Waxaan u soo jeedinayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo ciribtirka Khawaarijta Shabaab oo ah halista ugu wayn ee dalkeennu uu wajahayo.”