Ra’iisul Wasaarihii Burkiina Faaso oo xilkii laga qaaday

Madaxweynaha Burkiina Faaso Roch Marc Christian Kabore ayaa shaqada ka ceyriyay ra’iisul wasaarihii dalkaaasi, iyadoo ay sii kordhayaan qalalaaso dhanka amniga ah oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

Xafiiska madaxtooyadda ee dalkaasi ayaa sheegay in madaxweynuhu uu warqad iscasilaad ah ka helay ra’iisul wasaare Christophe Dabire,sida uu sheegay Xoghayaha guud ee dawladda Stephane Wenceslas Sanou oo la hadlay warbaahinta dalka Burkiino Faaso.

Xil ka qaadista r/wasaaraha ayaa imaaneysa xilli ay jiraan isku shaandheyn lagu sameeyay hoggaanka ciidanka.

Dalkaan oo ka mid ah kuwa ugu saboolsan Galbeedka Afrika, ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2016-kii hareeyay weerarro ay qaadayaan kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida iyo ISIL (ISIS), kuwaasoo ay ku dhinteen 2,000 oo qof ,isla markaana ay ku barakaceen in badan hal milyan oo qof.

Dibadbaxyo lagu diidan yahay dowladda ayaa ka socda waddooyinka magaalooyinka waaweyn, ka dib markii bishii hore kooxaha hubeysan ay dileen 49-ruux oo isugu jiray ciidan iyo dad rayid ah.