Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay munaasabad uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa sheegay in nasiib darro weyn ay tahay in nafta la dhaafo dad aan waxba galabsan oo qaarkood kamid ah ciidanka Amniga Dalka ka shaqeynaya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilkii dhowaan Degmada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle loogu geystay ciidamo katirsan kuwa Xoogga Dalka, arrintaas oo falcelin dhalisay.
“Wiil Soomaaliyeed oo naftiisa kuu huray oo Habeen & Maalin kuu taagan in uu ku difaaco in aad disho, Foolxumo ka xun ma jirto, In Soomaali is disho waa cudurradeenna mid kamid ah” Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre
Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Waa wax aad u xun qof adiga ku difaacayo oo naftiisa kuu huray oo adiga ku difaacayo inaad qalato”.
Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay tahay mid ka fog dadnimada qofka diinta, wuxuuna ugu baaqay shacabka in laamaha amniga ku gacan siiyo soo qabashada raggii ka dambeeyay falkaasi si sharciga loo horgeeyo.