Ra’iisul wasaare Xamze oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qadar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Salem Al Nuaimi.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qadar.