Ra’iisul wasaare Xamse oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Barre oo 25kii Bishan ay ansixiyeen Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Munaasabada xilwareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS Sheikh Aadan madoobe, guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan dowladda.