Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay in guula waweyn laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda faderaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay shir madaxeedka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dowladda oo ka duuleyso ahmiyadda Amniga u leeyahay Dalka labadii sanno ee lasoo dhaafay ku guuleysatay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta saddex melood laba meelna laga saaray degaanadii ay argagixsada horay gacanta ugu heysay lana baabi’iyay awoodii  ay ku lahaayeen degaanadaas.

Ra’iisul wassaare Xamsa Cabdi Barre Ayaa tilmaamay in khawaarijta lagu qaaday dagaal saddex qeyb ah oo kala ah dagaalka tooska ah kan dhaqaale iyo in dowladdu ay xirtay barihii ay ku faafin jireen fikirka xajirnimada ah,taana ay keenatay in awooda ahaan iyo ciidan ahaanba ay burburaan khawaarijta.

“Waxaa lagala dagaalay dhinaca Maaliyadda iyo faafinta fikirkii xagjirnimad Waxaan sidoo kale daciifinay habka fikirkooda (Ideology) taasi oo wiiqday illihii taageerada”ayuu yri Ra’iisul wasaare Xamse.