Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee magaalada Muqdisho, si uu uga tacsiyeeyo geerida ku timid Alle ha u naxariistee Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Marxuum Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani.
Ra’iisul Wasaaraha oo uga tacsiyeeyay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, shacabka iyo dowladda walaaalaha ah ee Qatar, ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay murugada geerida Amiirkii hore ay la-qeybsanayaan walaalahooda Qatar.
Mudane Xamsa, ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay dareensan-yihiin xiriirka walaaltinimo ee kala dhexeeya shacabka iyo dowladda Qatar, sidaas darteedna ay la qeybsanayaan murugada iyo tacsida, isaga oo Allah uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Firdowsa, Amiirka Dowladda Qatar, qoyska reer Al-Thani iyo guud ahaab shacabka Qatarna. uu Samir iyo iimaan ka siiyo.
“Waxa aan qirsanahay doorka shariifka ah ee dowladda iyo shacabka Qatar ay ku leeyihiin garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed iyo guud ahaan shucuubta Carbeed, taasi waxa ay ka tarjumaysa sida ay shacabka iyo dowladda Sooomaaliyeed u dareemeen xanuunka geerida ku timid Amiirkoodii hore Marxuum Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.





