Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira la xisaabtanka Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran ee Tiirka Arrimaha Bulshada iyo Dowlad-Wanaagga, ayaa waxa ay u soo bandhigeen waxyaabaha uga hirgalay heshiiskii ay kala saxiixdeen sanad ka hor ee ku aaddanaa barnaamijyada horutabinta u leh iyo hadafyada laga doonayey in ay xaqiijiyaan.
Guulaha ay soo bandhigeen wasaaradaha muddadii sanadka ahayd, ayaa saldhig u ah, hufnaan iyo isla-xisaabtan, taas oo dhabbaha u xaareysa Soomaaliya ku dhisan sinnaan, caddaalad, horumar iyo gaarsiinta dadweynaha Soomaaliyeed adeegyada ay u baahan yihiin.
Wasaaradaha ku midaysan Tiirka Arrimaha Bulshada iyo Dowlad-Wanaagga, ayaa si wadajir ah uga shaqeeyay horumarinta adeegga bulshada, kor u qaadidda caafimaadka iyo waxbarashada, xuquuqda aadanaha, daryeelka qoyska, xoojinta dhaqanka iyo diinta, kobcinta fursadaha dhallinyarada, ilaalinta deegaanka, kor u qaadidda wacyiga bulshada, iyada oo loo marayo warbaahinta, bahda dhaqanka iyo culimada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wasiirrada mid mid u weydiiyey su’aallo ku saabsan waxyaabaha uga hirgalay yoolashii la dejiyey ee ay sanad ka hor la wadaageen shacabka Soomaaliya, si loo qiimeeyo, isla markaana horey loogu sii wado guulaha la gaaray.
Mudane Xamsa oo uga mahadceliyey Wasiirrada shaqada baaxadda leh ee ay qabteen, ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay muhiim u tahay in la sii dardargeliyo shaqada, lana joogteeyo isla xisaabtanka lagu horumarinayo hufnaanta hey’adaha dowladda.