Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku dhawaaqay qiimaha Xajka ee sanadkan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kaddib markii meesha laga saaray musuq maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha.

Mudane, Xamse Cabdi Barre ayaa arrintan kaga dhawaqey qiimaha Xajka sanadkan 1444/2023 munaasabad galabta ka dhacdey Xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee magaalada Muqdisho, kaasi oo laga dhigay 4,484.539 Dollar.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku sharfey inuu asaga si rasmi ugu dhawaaqo qiimaha xajka ee sanadkan iyo shirkadda diyaaradaha ee ku guuleysatey daabulka xujeyda Soomaaliyeed.

Iyadoo munaasabadaasi ay goob joog ka ahaayeen, xubno ka socdey Guddiga Awqaafta iyo Cadaalada BFS, Wakiilada xamladaha shirkadaha adeega xajka iyo qaar kamid ah xubnaha guddiga adeega xajka ee Wasaaradda.