Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer uu ku qiimeynayo hawlaha muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u heyso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, ku tagay xarunta dhexe ee hey’adda.
Ra’iisul Wasaare Xamsa waxaa uu warbixin ka dhageystay Wasiirka Amniga iyo Maamulka hay’adda kuwaasi oo sharaxay adeegyada socdaalka, bixinta baasaboorrada, adeegga E-Visa ee dhowaan la soo kordhiyey iyo horumarinta nidaamyada casriga ah ee lagu maamulo xogta muwaadiniinta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha dadaalka joogtada ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in hay’addani leedahay ahmiyad gaar ah, maadaama ay tahay iridda laga soo galo loogana baxo dalkeenna, isla markaana ka tarjumaysa sumcadda iyo haybadda Qaranka.
“Shaqo weyn iyo masuuliyad culus ayaad dalka u haysaan, dhaqaalaha, amniga, fududeynta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha, dhammaantood waa howlaha aad masuulka ka tihiin. Waxaana la idinkaga fadhiyaa inaad bulshada ugu adeegtaan si hufan oo daahfuran.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.