Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la horumariyo adeegyada garoonka Muqdisho ayaa maanta kormeer ku tagay qaybaha kala duwan ee garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayay masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Maamulka garoonka ayaa faray in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan adeegyada garoonka ee muhiimka u ah bulshada.
Waxaa uu sheegay inuu ku soo laaban doono garoonka muddo laba toddobaad gudahood ah, isla markaana uu tallaabo ka qaadi doono, haddii aan isbeddel degdeg ah lagu sameyn adeegyada muhiimka ah sida mashiinnada.