Ra’iisul wasaare Xamse oo gaaray Shiinaha

Yinchuan: Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali doono Shirka 7aad ee China-Arab States Expo, oo lagu qabanayo magaalada Yinchuan, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, tiknoolojiyadda iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo horumarinta xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo dunida Carabta, gaar ahaan dalkeenna oo ay ka jiraan fursado kala duwan oo u baahan in la maalgashado, si ay uga faa’iidaan bulshada Soomaaliyeed.