Ra’iisul-wasaare Xamsa “ waxaan qadanay habka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka” (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya ayaa dooratay inay ka howlagli doonto qorshayal is daba yaal, kuwaasi oo ay ugu waaweynaayeen, la dagaalanka Kooxda Khawaarijta ah, Deyn cafinta, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhameystirka Dastuurka, sidaasi awgeed ayuu Ra’iisul wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre oo faahfaahin ka bixiyay ayaa sheegay in uu dalku u baahan yahay dastuur dhamaystiran si aan cagaheenna isugu taagno, una noqonno dowlad buuxda. ” Dowlad aan dastuurkeedu dhammeystirneyn dowlad ma noqon karto, waxaan u baahanahay inaan dhammeystirno dastuurka”, ayuu yiri:- Ra’iisul wasaare Xamse

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sheegay in dastuur dhamaystiran uu caddeyn u yahay dowladnimo buuxda maaddaama aynu halgan u soo marnay deyn cafinta iyo in nalaga qaado cunaqabataynta hubka oo aynu dedaal weyn ugu jirno, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha uu carrabka ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in aqoonyahannada Soomaaliyeed ay hormuud uga noqdaan difaaca dalka iyo dabargoynta fikradaha Argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada, indheer-garadka iyo dowladda, wuxuuna si gaar ah ugu baaqay culimadu in ay doorkooda ka qaataan dib-u-heshiisiinta, xasillinta, dowlad-dhiska iyo dhammeystirka dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in argagixisada laga wiiqay dhowr jiho oo ay ka mid yihiin dhinacyada ciidanka, dhaqaalaha iyo fikir,ba taas oo horseedday in deegaanno iyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed maanta ay xor yihiin, inta harsanna weli lagu sii raad-joogo, waxa uuna hadaladaasi ka jeediyay kulan ay lahaayeen Culumaa’udiinka Soomaaliyeed.

“Dowladdii naga duntay side baynu dib ugu soo dhisan laheyn, waa taas midda siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay sheegaan, marka waxaa aas aas u ah dokumenti ama Dastuur, kaasi ayay  waxooda ku qortaan,, ayna ku heshiiyeen, waxaasi oo dhan meeshaas ayay ku jiraan, sidaas ayaa loogu bixiyay Dastuurku waa heshiis bulsho, marka waxaa loo baahan yahay in dastuurkaasi lagu heshiiyo, annagu muddo dheer datuurkeennu waa qabyo , waxaan aaminsan nahay in 2 usbuuc haddii meel la faruiisto waa la dhameyn karaa, waxaa laga cabsaday, qodobadaasi waa meesha ay haantu ka tulmeyso, marka waxaa la isla qaaday in siyaasad ahaan looga heshiiyo”, sidaasina waxaa yiri Raiisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre.

“Marakaasi ayaa isla qaadanay in Dowladda Federaalka iyo Maamul-gobleedyadu ay ka heshiiyaan habka geeddi socodka, marka waxaan qaadanay go’aan geesinimo leh, waxaan ka hadalnay amnigu side buu noqonayaa?, habka federaalku noocee?, dhaqaalaha side buu noqonayaa, awoodaha xitaa side bay noqonayaa? , doorashooyinka side bay noqonayaan? ayaan ka hadaknay, waana ku heshiinay dhammaanteen, waxaan ka fiirinayay maxaa Dadka isku soo dhaweyn kara, maxaa siyaasiyinta isku soo dhaweyn kara? oo khilaafkooda yareyn kara? Ayaan isweydiinay ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ayaa horey u  cadeeyey in ay qasab tahay in laguna dhaqmayo Heshiiska Madasha wadatashiga ee ay soo saareen, kuwaas oo kala ah.

1. Doorashooyinka D/gobaleedyada ayuu sheegay in ay dhacayso November 2024-ka, cidii wax ka sokeysana doonaysana ay tahay cid aan Soomaaliya dan u aheynin, siyaasiintaasna ay dalka xalkiisa ka shaqeeyaan.

2- Madaxweyne iyo Madaxeyne ku-xigeen ayuu sheegay in ay qasab tahay oo lameelmarinayo, dalkana ay faa’iidadiisa sidaasi tahay, oo Dastuurka la bedelayo.

3- Labo xisbi oo kaliya ayuu sheegay in ay muhiim tahay, oo ay jidkaas qaateen, dadka dooda ka qabana ay kuqanciyeen in Soomaaliya aysan u baahneyn nidaam asxaabta badan oo iska furan.

4- 2026-ka ayuu sheegay in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacayso Soomaaliya, June 2024-ka Doorashooyinka hoose la qaban doono, guddigii qaban lahaana la magacaabi doono, kuwaasi oo ilaa doorasho Madaxtooyo qabanaya.

Haddaba Raiisul- wasaare Xamsa Cabdi Barre oo sharaxaya qodobadaasi ayaa waxa uu ka soo sheekeeyay nidaamkii lagu soo dhaqmi jiray markii aannu xorriyada qaadanay sanadkii 1960-kii muuddadii ay jirtay Xukuumaddi Rayidkan aheyd, isagoo sheegay inay aheyd doorshooyin isku dhafan oo kala ahaa mid Baarlamanteeyaan ah iyo midka Madaxweynaha oo isku dhafan, mana aheyn kuwa sax ah, waxa uuna u ekaa midka ama noocas ay ku dhaqmaan Dowladda Talyaaniga, saxna ma aheyn, kaasi oo keenaya in mar walba la isku dhegenaado aan dhinacna loo kala dhicin oo la iska lusho ama bato in la isqab-qabsado, oo mar walba farqaha la is ku dheganaado.

“Waxaan nala haboonaatay in aan aadno habka doorashada Madaxweynaha iyo Madaxeyne ku xigeenka, si uu u yaraado xukuumad is heys-heysta oo uu u yaraado iska lulashada, annagu Shaatigaasi ma aanan tolan iskuma qiyaasin ee waxaan u diyaarineynaa Jiilalka naga dambeeya, waxaan u aragay inuu khilaafku yaraanayo, midda labaadna waxay tahay in Xisbiyada la yareeyo oo ay marka hore ay tartamaan laba Xisbi oo kaliya, iyagoo isa soo reebaya in marka ugu dambeysa la dejiyo kala sarreyn, ayna khasab tahay in marka dambe ay laba xisbi isugu imaadaan, si Dadka Soomaalida wax la isugu daro, haddii kale waxaa dhalanaya in summadda reerka la wada dhigto oo xisbi laga dhigo, marka waxaan dhahnay dadka Soomaaliyeed aan wax isugu darno”, ayuu yiri Raiisulwasaare Xamsa Cabdi Barre.

Guntii iyo gabagabadii Siyaasiyiinta qaar ayaa xasaasiyad ka qaday qodoboda geeddi socodka dalka, waxaase haboon in aysan la soo boodin mucaaridnimo ee ay la yimaadaan qorshe dalkaan looga xoreyn lahaa kooxda Khawarijta ah ee Al-shabaab ee aan loo deynin Dowladda hadda jirta, islamarkaana ay ogsoonaadaan in Shacabka ay furan yihiin Indhahooda, ayna og yihiin waxa ka socda Dalka, marka Siyaasigii hadhow markuu Dalka laga xoreeyo Khawaarijta soo tolan doona Jaakado waaweyn, hadda ha ka qeybqaato qorshayaasha ay Dowladdu waddo.