Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabbilay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş oo ay ka wada hadleen xoojinta  xiriirka walaaltinimo iyo Iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Turkigu uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya, kaas oo xilliyo adag soo garab taagnaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, kana taageera dhinacyo badan oo kaabaya horumarinta dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa tilmaamay in uu sii xoojin doono xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed soo dhaweyntooda.