Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ka qaybgalayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriyada Koofureed ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu galabta ka jeedin doona khudbad taabaneysa dhinacyo badan.

Ra’iisul Wadaaraha ayaa khudbaddiisa wuxuu kaga hadli doonaa qodobbo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya iyo dedaalka ay waddo dowladda Soomaaliya oo horumar weyn ka sameysay xagga amniga, siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.