R’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir lagu gorfeynayey dhammaystirka hawlaha doorashooyinka dowladaha hoose ee dhawaan dalka ka qabsoomi doona.
Shirka oo ay ka qeyb galeen wasiirrada wasaaradaha sida tooska ah ula falgala hawsha doorashooyinka, ayaa waxaa lagu dhageystay warbixin ay soo jeediyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Guddoomiyaha guddiga, Mudane Cabdixakiim Axmed Xasan, ayaa sheegay in hawshu ay meel wanaagsan marayso, isla markaana la diyaariyey dhammaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda doorashada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey guddiga iyo wasaaradaha ka qeyb qaadanaya fulinta barnaamijkan, isaga oo xusay in Xukuumadda #DanQaran ay ka go’an tahay hirgelinta doorashada Qof iyo Cod, iyadoo ugu horrayn la bilaabayo doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.


