Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay xarunta cusub ee Baasaboorrada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhigay xarunta cusub ee Baasaboorrada oo laga hirgelinayo Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiirka Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, Guddoomiyaha Degmada Boondheere iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabadda dhagaxdhigga.