Muqdisho(Wargeyska Dalka)—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u furay Shir-weynaha Qaran ee Maalgashiga Beeraha iyo Nidaamka Cuntada Soomaaliyeed (NAFIS 2026-ka , kaasi oo diirradda lagu saarayo xoojinta Wax-soo-saarka Gudaha, Horumarinta Beeraha iyo kobcinta Maalgashiga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in qabashada Shir-weynaha NAFIS 2026- uu xambaarsan-yahay fariin muhiim ah oo muujinaysa jihada cusub ee Hoggaanka Qaranka, kaasi oo salka ku haya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo dadaallada lagu Horumarinayo Dhaqaalaha, laguna kordhinayo wax-soo-saarka iyo abuurista Fursadaha Maalgashiga ee dhinacyada Beeraha.
Mudane Xamsa, ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay Fursado waaweyn oo dhanka wax-soo-saarka Cuntada, oo ay saldhig u yihiin Dhulkeenna ballaaran ee ku habboon Beeraha, Khayraadka Biyaha iyo awoodda bulshada Soomaaliyeed, oo xilligan u diyaarsan in ay gaaraan isku filnaansho dhanka Cuntada ah.
“Waxaan hubaa in Maalgashiga Beeraha iyo Nidaamka Cuntada uu muhiim u yahay Dalkeenna iyo guud ahaan Geeska Afrika. Wax-soo-soo saarka Dalkeennu waxa uu kor u qaadaya Dhaqaalaha Dalka, waxa uu kobcinayaa kaabeyaasha horumarineed ee Gobolka, waxa uunna Fursad siinayaa Dhallinyarada Soomaaliyeed, waanna billowga Dakhliga iyo xaqiijinta isku-filnaanshaha Cuntada Dalka” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda DanQaran, Mudane Xamsa Cabdi barre, waxa uu tilmaamay in hay’adaha ka howlgala Dalkeenna ay ogaadaan in aysan Soomaaliya sidii hore ahayn oo isbeddel lagu sameeyay Qorshayaasha Qaranka, ayna muhiim tahay in ay ula shaqeeyaan Dowladda sida ay u horumartay, ayna u dajisay qorshayaasha lagu tagayeynayo Dowladnimada, kuwaas oo ka tarjumaya Soomaaliyada cusub.

