Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre oo dhaggax dhigay mashruuc Ganacsi oo casri ah

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhiggay Mashruuc weyn oo ka kooban Sima 5-Star Hotel oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalkeennu yeesho iyo Suuq (Mall) weyn oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyada Suuq casri ah looga baahan yahay.

Mashruucan ayaa qayb weyn ka qaadandoonaa horumarka dalka, si gaar ah caasimadda, isagoo abuuri doona fursado shaqo oo tiro badan.