Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane, Maxamed Xuseen Rooble oo kulan casho ah xalayto la yeeshay 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ayaa ku bogaadiyay xilka ay ummadda Soomaaliyeed u qaadeen.
Mudane Rooble ayaa xildhibaannada ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran ee saaran, wuxuuna ku boorriyay in ay dalkooda si hufan ugu adeegaan.