Ra’iisul wasaare Rooble oo warbixin ka dhagaystay Guddiga Doorashada Heer Federaal

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Gobollada Woqooyi (SEIT), taas oo ku saabsan halka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ku matalaya Somaliland.