Ra’iisul wasaare Rooble oo qaabilay danjireyaasha Midowga Yurub iyo Ergayga gaarka ah ee Norway

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulammo goonni goonni ah la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga & Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen.

Ra’iisul wasaaraha iyo danjireyaasha ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Rooble.