Ra’iisul wasaare Rooble oo Muqdisho ku soo dhoweeyay dhiggiisa dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Masar Mudane, Mustafa Madbuuli oo ka mid ah madaxda caalamka ee ka qeyb galeysa caleemosaarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Ra’iisulwasaaraha dalka Masar ayaa qayb ka ah wufuud heer caalami ah oo goobjoog ka noqon doonta munaasabadda caleemasaarka Madaxweynaha JDS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud.