Ra’iisul wasaare rooble oo kormeeray dekadda Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dekadda Muqdisho, isagoo u kuurgalayay habsami u socodka howlaha dekadda, waxaana uu warbixin ka dhageystay wasiirka dekadaha iyo gadiidka badda iyo mas’uuliyiinta dekadda oo uga warrammay sida ay u socdaan howlaha dekadda oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha ee dalka ugu muhiimsan.