Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray Dekadda Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kormeer shaqo ku tagey dekedda Kismaayo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa kormeeray habsami u socodka howlaha dekadda & qeybaha ay ka kooban tahay oo ka soconayeen shaqooyinka maalin laha ah.

Wasiirka dekedaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Maryam Aweys ayaa sheegtay in Xukuumaddu ay ku howlan tahay balaarinta iyo dib u habeynta dekedaha muhiimka ah ee dalka, si dib loogu soo noolaayo kaalintii ay ka qaadan jireen dhaqaalaha dalka.