Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka Telefoonka kula hadlay Madaxwaynaha Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muse Bihi Abdi ayaa la wadaagay sida uu uga xanuunsaday musiibadii ka dhacday Hargeysa isagoo u muujiyay sida uu u garab taaganyahay dadkii Shacabka ahaa ee ku hanti beelay suqaasi

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale kulan la yeeshay ganaacsatada Soomaaliyeed isagoo kala hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii uu baabi’iyay dabkii weynaa ee ka kacay suuqa weyn ee Hargeysa, waxana kulankasi looga dhawaaqay lacag gaareysa 3 Milyan oo Doollar taas oo 1 Milyan oo ka mid ah ay bixineyso XFS halka 2 Milyan oo Doollar ay bixinayaan Ganacsatada Soomaaliyeed.