Ra’iisul wasaare Rooble oo ka qeyb galaya Shirka Golaha Wasiirrada ee Jubbaland

Kismaayo- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Eng Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa si wadajir ah uga qayb galaya maanta shirka golaha wasiirradda ee Jubbaland.

Shirka waxaa qayb ka ah dhammaan wasiirrada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo xubno wasiiro ah oo qayb ka ahaa Wafdigii Ra’iisul wasaaraha, waxaana shirkan uu noqon doona mid la iska kaashan doono arrimo badan oo muhiim u ah barnaamijka hortabinta Xukuumadda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.